Barnaamijyada Dhalinyarada

Who we are 2

Waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 70% dadka soomaaliyeed in ay da’doodu ka yartahay  30 jir. Sidoo kale in kabadan kala bar (1/2) tirada  dadka dalka ku nool waxay da’doodu ka hooseysaa 18 jir. Hadana sida dhacda dhalinyarada Soomaaliyeed waa la gacan bidxeyey ama la xaqirayba marka laga eego dhanka dhaqaalaha iyo siyaasadaba arrintaasooy ugu wacantahay habdhaqan bulsho oo ahmiyadda siiya da’da weyn taasoo ah caqabad xadideysa ka qeyb qaadashada dhalinyarada hormarinta iyo xasilinta Soomaaliya.

Intaa waxaa sii dheer, inta badan dadaalada ay wadaan bulshada caalamka eeku aadan xasilinta, maamulka iyo dib u dhiska Soomaaliya ayaa waxaa ahmiyadda la siiyay siyaasiyiin kooban iyo oday dhaqameed . ka qeyb galin la’aanta dhalinyarada Somaaliyeed ee arrimaha siyaasada iyo dhaqaalaha  ayaa caqabad ku noqday nabada, xasillonida iyo hormarka dalka.

Somali One waxay la tashan doontaa isla markaana si wanaagsan u hawlgelin doontaa dhalinyaradasi lo horumariyo xasillonni iyo ka wada qeyb qaadashada arrimaha dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *