Waxbarashada Gabdhaha

Who we are

Gabdhaha Soomaaliya ku nool aad bay ugu hoseeyaan dhanka diwaangelinta dugsiyada. Sida badanaa dhacdana saami ahaan gabdhaha dhigta dugsiyada isku celcelis waa sedex dalool hal meel (1/3) degmadiiba. Si kastaba ha ahaatee, hadana aqoonta iyo waxbarashada waxay muhiim u tahay ka samata baxa saboolnimada iyadoo fursado xirfadeed  la siinayo dadka dhibaatada u nugul si ay u helaan shaqo una helaan dakhli dhaqaale. Hadaba si looga hortago shaqo la’aanta baahsan ee haysata dalinyarta, khaas ahaan, gabdhaha soomaaliyeed , Somali One waxay la shaqeyn doontaa barnaamijyada waxbarasho ee haatan ka jira soomaaliya si loo dhiirageliyo ka qeyb qaadashada haweenka.

Somali One waxay sidoo kale la shaqeyn doontaa barnaamijyada aqooneed iyo waxbarasho ee caalamiga ah si loo hormariyo islamarkaana loo taabageliyo manhaj waxbarasho oo fursad u siinaya gabdhaha gaaray da’da dugsiga  iyo kuwa kale ee dhalinyarada ahba fursad xirfad iyo aqoon oo tayo leh tasoo caawin karta iney shaqo helaan ama ka shaqeystaan ganacsiga reerka.

 Taagerada dhanka waxbarashada ee gabdhaha Soomaaliyeed awadeed, Somali One waxay ka haqab tireysaa jiilka haweenka xirfadihii aqooneed  iyo agabkii  u sahli lahaa iney mareeyaan nolashooda islamarkaana hormariyaan maslaxadooda guud..

By supporting girls’ education in Somalia, Somali One will be equipping the next generation of women with the necessary skills and tools to earn a living and promote their overall well-being.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *